Shirka Madaxda IGAD oo ka furmay Jabuuti, Ajandeyaasha miiska saaran iyo Khudbado laga jeediyey

 

Djibouti (SLpost)- Magaalada Jabuuti waxa gelinkii dambe ee Axadda maanta ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaaddeen madaxda dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD

Shirka oo noqonaya kii 38aad ee IGAD tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1996-kii, waxa qodobbada ugu muhiimsan ee ajanadaha shirka lagaga hadlayo ka mid ah xiisadda dagaal ee Ethiopia iyo khilaafka dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Advertisement

Waxa Shirkan aan caadiga ahayn in laysugu yimaaddo dalbaday Raysal-wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdok oo ah guddoomiyaha xilligan ee ururka IGAD, kaddib markii qaar ka mid ah madaxda dalalka ururka ku jiraa u gudbiyeen tabashooyin iyo xiisado ka dhex-jira dalalka xubnaha ka ah IGAD.

Raysal-wasaaraha dalka Sudan Abdalla oo ka hadlay ujeeddada shirka, ayaa sheegay in ajandaha shirku la xidhiidha si looga wada hadlo geeddi-socodka ammaanka iyo nabadgelyada gobolka, gaar ahaan xiisadaha ka taagan dalalka Sudan, Koonfurta Sudan, Ethiopia iyo Soomaaliya.

Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah IGAD ee shirka maanta goob-joogga ka ahaa waxa ka mid ah Raysal-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Waxa kale oo shirka ka qayb-galay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Sudan Rebecca Garang Safiirka dalka Uganda u fadhiya Jabuuti danjire Rebecca Otengo.

Madaxweynaha martida loo yahay Ismaaciil Cumar Geelle oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey, ayaa bogaadiyey horumar laga gaadhey dedaallada nabadda iyo xasilloonida gobolka, in kasta oo sheegay inay jiraan carqalado sababay dib-u-dhacyo ku yimi horumarkii la tiigsanayey, kuwaas oo uu ka xusay aafada Covid-19, daadadka iyo Ayaxa.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo shirka ka hadlay, ayaa sheegay in Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya ay welwel ku hayso Midowga Afrika, waxaanu ku baaqay wada-xaajood xiisadda lagu dejiyo.

Dhinaca Xiisadda dagaal ee dalka Ethiopia, waxa uu guddoomiyaha AU-du ku boorisay dowladaha xubnaha ka ah IGAD inay ka caawiyaan Ethiopia sidii loola tacaali lahaa dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay dagaalada ka socda gobolka Tigray.

Shirka ayaa markii dambe dibadda looga saaray warbaahinta iyo martidii kale ee ka qayb-galay, waxaanay hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD yeesheen kulan al-baabadu u xidhan yihiin oo ay isku kaliyeysteen.

Ururka goboleedka IGAD, oo ay ku midaysan yihiindalalka Geeska Afrika qaarkood sida Ethiopia, Kenya, Somalia, Djibouti, Sudan, Koonfurta Sudan, Eritrea iyo Uganda, ayaa xaruntiisu tahay magaalada Djibouti oo markii u horeysay lagu aasaasay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On