Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo lagu Ansixiyey Laba Xeer oo Muhiim ah

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu ansixiyey laba xeer midkood yahay qabyo-qoraalka Xeerka La-dagaalanka Ka-ganacsiga iyo Tahriibinta dadka.

Fadhiga Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa sidoo lagu ansixiyey Wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyey Xeerka La-dagaalanka Mukhaadaraadka ee Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jiray.

Labada Xeer oo wax weyn ka tari doona Aafooyinka Tahriibka iyo Maandooriyeyaasha, ayaa loo gudbin doonaa Golaha Wakiilada Somaliland si ay u meel-mariyaan ama u Ansixiyaan, sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha.

Somalilandpost.net