Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo la soo hor-dhigay Mashaariic iyo Qorsheyaal Ugub ah oo Xukuumaddu hirgelinayso

Hargeysa (SLpost)- Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagaga hadlay dhowr qodob oo isugu jira qorshaha sannadkan ee mashruuca Horumarinta Degmooyinka dalka ee JPLG iyo diyaar-garowga wasaaradda caafimaadku ka gashay caabuqa Coronavirus oo faro-baas ku haya Caalamka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka baxay madaxtooyada, waxa kale oo shirka golaha wasiirrada lagu soo bandhigay daraasad ay samaysay wasaaradda horumarinta Gaadiidka ku samaysay badbaadada iyo ilaalinta tayada gaadiidka dowladda iyo kuwa shacbi-weynaha.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Maxamuud Warsame, Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa u qornaa sidan:-

Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu dhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah.

Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku xigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha hoose uga faa’iidaystaan.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxu tilmaamay in mashruucan oo dalka ka bilaabmay sannadkii 2008-dii Laguna bilaabay 8-degmo sannadkan 2020-kana lagu fidiyay 3-degmo oo cusub oo ah degmooyinka Ceergaabo, Laascaanood iyo Caynaba.

Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa golaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo maamul-daadejintiisa oo lagu ballaadhiyay adeegga Aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waxana mashruucani muujinayaa diyaarinta qorshaha degmooyinka iyo horumarka maamul-daadejinta, isaga oo door muuqda ka qaadanaya kor uqaadidda iyo koboca dhaqaale ee dawladaha hoose ee dalka.

Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus, iyadoo madaarrada, dekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay laguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran.

Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada Somaliland ku baraarujinaysaa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda goobahooda waxayna wasaaraddu kaashanaysaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo daneeyayaasha caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa warbixin qoto dheer golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo xirfadaha.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, ayaa golaha u soo bandhigay daraasadda gaadiidka dawladda isagoo iftiimiyay qorshayaasha loo dejiyay gaadiidka ee ilaalinta, dayactirka iyo tayaynta gaadiidka.” Sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net