Shirka Golaha Wasiirrada oo Xeerar lagu Ansixiyey iyo Xeerka Baananka oo Guddi loo saaray

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta lagu ansixiyey laba xeer oo kala ah Qabyo-qoraalka Xeerka Liisamada Ganacsiga iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Caymiska Qaranka.

Fadhiga oo ahaa kii 50aad ee Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga dooday laguna ansixiyey xeerarkan iyada oo kuwo kalena lagu qaybiyey.

Waxa golaha loo qaybiyey nuqullada qabyo-qoraalka xeerka shaqaalaha dawladda oo ay soo diyaarisay hay’adda shaqaalaha dawladdu iyo nuqullo ka mid ah siyaasadda qaran ee maal-gashiga.

Dhanka kale, waxa Golaha wasiirradu Guddi u saareen Xeerka Baananka oo muddooyinkii ugu dambeeyey Golaha horyaallay si ay daraasad dheeri ah ugu soo samayso.

Markii uu shirku dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka Madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac oo faahfaahin ka bixiyey xeerarka qaarkood la ansixiyey, kuwa cusub iyo Xeerka baananka Somaliland ee Guddiga loo saaray.