Shirka golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo damacyada siyaasadeed ee ku xeeran

 

Guud ahaan dadweynaha reer Somaliland wuxuu dareenkoodu ku wajahanyahay marxaladda ka dhalan kara shirweynaha golaha dhexe ee Kulmiye oo qabashadiisa lagu muddeeyay 10ka Nofembar 2015.

Ugu horreyn waxa arrin togan loo arki karaa talada mideysan ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya Muuse Biixi Cabdi ay si wadajir ah u soo saareen in shirka la qabto wakhtiga aan kor ku xusnay. Tani waxay muujinaysaa fikirka wada socda ee ka yimid hoggaanka xisbiga Kulmiye oo uu madaxweynuhu wehelinayo.Waxay astaan u tahay in madaxweynaha iyo guddoomiyuhuba ay ku suntanyihiin rugcaddaanimo isla markaana ay danaynayaan milgaha xisbiga.

Arrinkan qabashada kulanka ayay dad badani u arkaan inuu noqon doono mid caqabado keeni kara haddii aan lala iman mas’uuliyad guud oo ku wajahan in hoos loo eego halka ay ku jirto danta dalka iyo dadka reer Somaliland. Waa kulan aynu filayno in marka hore lagu xaaleeyo dhammaystirka wixii ka qabyo ah dhismaha xisbiga haddii ay tahay dhinaca dastuurka iyo wixii kale ee la xidhiidha nidaamkiisa maamul iyo qaabka guddiyadiisa shaqo laga soo bilaabo heer degmo ilaa heer qaran. Waxa ay dad badani ka walaacsanyhiin murugga iyo is-maandhaafka ka dhalan kara damaca jagada madaxweynenimo ee xisbiga. Warbaahintu waxay xustay dhowr qof oo caddeeyay damaca ay u hayaan ka qayb qaadashada jagada murashaxa madaxweynanimo. Dhorwkaa mas’uul waxa ka mid ah:

  1. Guddoomiyaha xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isagu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga, sumcadda xisbigana iyo isku hantiisana ku guulaystay shantii sanno ee uu goodoomiyaha ka ahaa kana badbaadiyay isku dhac ka dhex dhasha xubnaha xibsiga.
  2. Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Yoonis Biixo oo hay’adda Qaramada Midoobay ka soo shaqeeyanay intii uu socday halgankii waddanka lagu xoraynayay amma kii waddanka dib loogu yagleelayay oo markii ugu horraysayna ku soo laabtay waddanka laba sanno ka hor markaasoo loo dhiibay xilka uu hadda hayo.
  3. Cabdicasiis Samaale oo ahaa wasiirkii hore ee maaliyadda, markii dambena xilka laga qaaday oo loo beddalay wasaaradda wax barashada laakiin xilkaa loo magacaabay ku gacan saydhay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
  4. Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo wax ku lahaa aasaaska xisbiga Kulmiye oo isagu noqonaya murashixii afraad ee muujiya hankiisa siyaadadeed.

Arrinka murashaxa madaxweynanimo:

Arrinkan murashaxa madaxweynanimo waa mid culeyskiisa leh isla markaana u baahan in mudnaantiisa la siiyo. Waa arrin u baahan in laga saadaaliyo waxyaabaha u baahan in la xeeriyo si markaa maxsuul fiicani uga soo baxo. Shakhsiyan loolan lagu tartamo xisbiga dhexdiisa waxaan u arkaa inay adkeynayso geeddi socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee xisbiga Kulmiya iyo ka Somaliland guud ahaan. Laakiin waxa dareen taban noqon kara oo ay dad badan ka walaacsanyhiin in tafaraaruq iyo kala daadsanaan ku iman karto xisbiga haddii xubnaha golaha dhexe ayna ka soo bixin mas’uuliyadda saaran ee kala reebida musharixiinta iyada oo loo eegayo halka ay ku jirto danta dalka iyo dadka reer Somaliland.

Qaybaha ama mas’uuliyiinta haddii ay tahay xisbi iyo haddii ay tahay xukuumadda mas’uuliyada aan yareyn ayaa saaran:

Xisbiga Kulmiye

Sida aan kor ku soo sheegay waa muhiim in la xuso tallaabada togan ee ay muujiyeen hoggaanka xisbiga Kulmiye gaar ahaan guddoomiyahooda Muuse Cabdi Biixi isaga oo la shaqeynaya madaxweynaha dalka mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo . Waxa ay muujiyeen hoggaan mideysan oo ay ka muuqato in la adkeeyo wada-shaqeynta, is-fahanka iyo iskaashiga xukuumadda iyo xisbiga si looga midho dhaliyo yoolka ama himilada uu xisbigu higsanayo mustaqbalka dhow iyo ka fogba. Sida aan hore u soo carabaabay xisbiga Kulmiye waxa cashar iyo khibrad ugu filan halkii uu ka dambeeyay xisbigii Udub ka dib markii ay luntay kalsoonidii iyo wada shaqeyntii xubnaha xisbigu. Dhammaan xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye waxa faran in aanay marnaba sahashan mas’uuliyada garbahooda saaran isla markaana ay ku dedaalaan sidii shirka Kulmiye uu ugu dhammaan lahaa guul.

 Xukuumadda:

Walow xukuumaddu ay wada tahay xisbiga, haddana waxa saaran oo ay leeyihiin kaalin muhiima oo ah inayna awoodooda si khaldan uga faa’iideysan shirka golaha dhexe ee Kulmiye. Waa muhiim ina lagu baraarugsanaado ka hortaga wax kasta oo xisbiga u horseedi kara kala daadsanaan iyo tafaraaruq dhaxalsiiya halkii uu maray xisbiga Udub oo ahaa hooyadii Xisbyada Somaliland. Waxa aan rajaynayaa in xukuumadda iyo madaxweynuhuba ay jeexeen istraatajiyad cad oo ku wajahan qabashada shirka Kulmiye iyagoo la kaashanaya hoggaanka xisbiga Kulmiye.

Gunaanad:

Qormadaydan waxa aan ku soo gunaanadayaa guusha xisbiga Kulmiye waa guusha Somaliland. Waxa aan rajaynayaa in lagu cibro qaato waddadii ama jihadii qaldanayd ee uu qaaday xisbigii Udub. Waxa aan rajaynayaa in xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ay u tudhaan danta dalka iyo dadka reer Somaliland isla markaana ay doortaan shakhsi hanan kara mas’uuliyada balaadhan ee loo igmanayo. Murashaxa xisbiga Kulmiye waa inuu noqdaa murashax aqoon iyo khibrad u leh waayaha iyo taariikhda dalkani soo maray oo mawqif adagna ka qaadan kara qaddiyadda khusaysa kala gurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Somaliya. Waa inuu yahay murashax aqoon u leh bulshadiisa iyo sooyaalkooda taariikheed ee ay soo mareen haddii ay tahay markii halganka lagu jirey iyo haddii ay tahay intii waddanka lagu soo noqdey. Waa inuu ku sifoobay murashamurashax lagu haleyn karo arrimaha amniga haddii ay Somaliland la soo daristo arrimo ama duruufo qalafsan oo dhinaca nabadgelyada waddanka ah. Inuu yahay murashax aan marnaba looga shakisanayn fulinta arrimaha madmadowga iyo shakiga gelinaya qaddiyada gooni-isu-taaga Somaliland. Waa inuu noqdaa murashax si fiican uga warhaya taariikhda uu soo maray xisbiga Kulmiye iyo caqabadaha uu ka soo gudbay si markaa ay ugu sahlanaato iskuhaynta, isku wadka dhammaan qaybaha kala duwan ee xisbiga guud ahaan waddanka. Waa in la ixtiraamo hannaan furfurnaanta ee aynu qaadanay, waana taynu ku caano maalnay.

 

W/Q-Eng. Hassan Omar (Samadoon)

xusbiyahan@gmail.com