Shir Saddex Geesood ah oo Ku Saabsan Cabashooyinka Saxaafadda oo Madaxtooyada Lagu Qabtay

Hargeysa(SLpost)- Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka madaxtooyada Somaliland, ayaa sharaxay kulan saddex geesood ah oo madaxtooyada ku dhexmaray xukuumadda, bahda garsoorka iyo ururka saxaafadda ee SOLJA, kaasi oo ku saabsan in la dul istaago caqabadaha saxaafadda iyo cabashooyinka laga qabo saxaafadda.

Ururka SOLJA, ayaa xukuumadda u gudbiyay tabashooyinka ay saxaafad ahaan qabaan, maadaama inta badan xadhiga saxaafadda iyo xarumaha saxaafaddu yahay mid soo noqnoqda, waxaannay sidoo kale xukuumaddu hor dhigtay tabashooyinka saxaafadda lafteeda laga tirsanayo.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu ilaalinayso madaxbannaanida saxaafadda islamarkaana ay ka shaqaynayso sida saxaafadda loo kobcin lahaa, balse ay jiraan tabasho laga qabo saxaafadda oo uu ka xusay in saxaafadda dad aan xirfadeeda lahayni ku shaqeeyaan.