Shir lagaga hadlay Horumarka Somaliland oo ku qabsoomay Aqalka Sare ee Dalka Faransiiska iyo Cidda ka Qayb-gashay

Paris (SLpost)- Shir lagu soo bandhigay horumarka dhinacyada dimuqraadiyadda, Maamul-wanaagga, Nabadgelyada iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ka tisqaaday 27-kii Sanno ee u dambeeyey, ayaa lagu qabtay Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Faransiiska.

 

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka tirsan dalka Faransiiska, waxa ka qayb-galay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee nool Dalkaas.

 

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey noociisa lagu qabtay Dalka Faransiiska oo ka mid ah waddamada aanay Jamhuuriyadda Somaliland aanay la lahayn xidhiidh toos siyaasad ahaan.

 

Faahfaahin ku saabsan Arrimaha lagaga hadlay Shirka iyo Muhiimadda ka soo baxday qabsoomiddiisa, ka daawo Muuqaalkaan Hoose oo xambaarsan warbixin laga diyaariyey.

 

 

Somalilandpost.net

somalilandpost@live.com