Shir-guddoonka Wakiillada oo Doorashadii Deegaanka ku tilmaamay tii ugu Xumeyd iyo Guddi Golahaas ka Kooban oo Qiimeynaya Khaladaadkeedii

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax , ayaa sheegay in doorashadii ugu dhibaatada badnayd ee dalka soo martay ay ahayd doorashadii u dambeysay ee Goleyaasha deegaanka, waxaanu ku dooday inay Gole ahaan qiimayn ku samaynayaan doorashadaasi iyo gal-daloolooyinkeedii.

Guddoomiye Baashe oo ka hadlaya waxa uu yidhi, “Doorashooyin badan ayaa hore dalka uga soo qabsoomay, hase yeeshee tii ugu dhibaatadda badnayd waxay ahayd doorashadii Goleyaasha deegaanka ee wadanka ka qabsoontay 28-kii Bishii November ee la soo dhaafay,”ayuu yidhi Guddomiye Ku xigeenka Wakiiladdu.

Baashe Maxamuud FaaraxMd. Baashe Maxamed Faarax waxa uu soo qaaday kaalinta kaga wejahan Golaha Wakiiladda inay Qiimeyn ku eegaan doorashadii Goleyaasha deegaanka si looga feejignaano waayo-aragnimada laga kasbaday khaladaadkii ka dhacay doorashada.  “Xil baa naga saaran in wixii dhacay Gole ahaan aanu dib u qiimayno, waxna laga soo saaro si aanay dib inoogu soo noq-noqon. Waxaanu is weydiinaynaa in aanu shir gudoon ahaan la kulano Komishanka iyo inaanu ugu yeedhno gole-weynaha markaa arrintaasi tallo marka aanu ka yeelano ayaanu go’aan ka qaadan doonaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo caawa waramayay Telefishanka Qaranka.

Waa Masuulkii labaad ee ka tirsan Shirguddoonka Golaha wakiillada ee Qira in khaladaad ku jireen doorashadii Golaha deegaanka, waaana hore u shaaciyey khaladaadka ku jiray doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ka hadlay madal loogu wanqalay Xisbiga uu Guddoomiyaha ka yahay ee Dhawaan saaxadda siyaasadda ku soo kordhay.

SOMALILANDPOST.NET