Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo ka warbixiyey Natiijada Socdaal ay ku tageen dalka Itoobiya

HARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ka soo laabtay socdaal ay ugu maqnaayeen dalka Itoobiya oo ay kaga qaybgaleen Xuska Maalinta Qoomiyadaha dalkaas, isla markaana waxay ka warbixiyeen waxyaabaha ay ka wadahadleen Masuuliyiin kala duwan oo ay kula kulmeen waddanka Itoobiya intii ay ku sugnaayeen.

SAWIRADAGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI iyo Guddoomiye Ku-igeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, waxa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa Masuuliyiinta yo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, waxaanay soo dhawayntaas ka dib faahfaahin ka bixiyeen ujeeddada socdaalkooda iyo dhinacyada ay la kulmeen waxyaabaha ay ka wadahadleen.

HALKAN KA DAAWO