Shir-guddoonka Cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Xilka la wareegay

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Sabtida maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay shirguddoonkii hore ee Golaha Wakiillada muddo-xileedkoodu dhammaaday.

Golaha Wakiillada Cusub oo fadhigoodii u horreeyey yeeshay Salaasadii todobaadkii hore, ayaa doortay saddexda xubnood ee Shir-guddoonka Golaha oo dhammaantood ka soo baxay Labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani. Cabdirisaaq Khaliid Axmed, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golahaas, halka Guddoomiye ku-xigeenka 1aad loo doortay Siciid Mire Giire, halka Guddoomiye ku-xigeenka 3aad loo doortay Cali Xaamud Jibriil.

Munaasibad xarunta Golaha loogu qabtay Xil-wareejinta labada shir-guddoon, ayaa waxa ka qayb-galay hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi qaran, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, maayarka Caasimadda, Ururrada bulshada, siyaasiyiin, Xubno ka tirsan Xildhibaannadii hore iyo kuwa cusub ee Golaha Wakiillada iyo marti-sharaf kale.

Advertisement

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenkiisii Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo munaasibadda ka hadlay, ayaa shirguddoonka cusub inay ku dedaalaan sidii ay isugu wadi wadi lahaayeen Xildhibaannada Golaha, isla markaana uga wada-shaqayn lahaayeen danta guud iyo waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Shir-guddoonkii hore waxa ay ugu baaqeen shir-guddoonka iyo Golaha Cusub ee la doortay inay dhammaystiraan hawlaha wakhtigu u saamixi waayey golihii hore oo ay ugu horreeyaan ansixinta iyo dhammeystirka xeerar iyo shuruuc golaha hortaalla, kuwaas oo ay ka mid yihiin sharciga caasimadda iyo ka saxaafadda Somaliland oo qabyo ah.

Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga muxaafidka ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo madhasha hadallo ka jeediyey, ayaa kula dardaarmay shirguddoonka cusub iyo golaha inay ka shaqeeyaan midnimada golaha iyo sidii ay u sii ambaqaadi lahaayeen sharciyadii uu ka tegay golihii hore.

Wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku booriyay Shirguddoonka iyo Xildhibaannada cusub ee golaha inay ilaaliyaan danta Guud ee Qaranka, isla markaana ay gutaan waajibaadka dastuurku u jideeyey.

Maayarka Hargeysa Md Cabdikariin Axmed Mooge, siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaanno ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Xidhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa iyaguna dhankooda sheegay in golaha ay kala shaqayn doonaan waxyaabaha ay uga baahdaan islamarkaana ay siin doonaan wixii talo iyo tusaale ah ee ay uga baahdaan, iyagoo dhanka kale ugu baaqay in Xildhibaannada cusub ay ka shaqeeyaan midnimada iyo Danta Golaha.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guuleed oo halkaasi ka hadlay, ayaa halkaas ka ballan-qaaday inuu isku wadi doono 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiillada islamarkaana ay wada-shaqayn yeelan doonaan xukuumadda.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, waxa uu sheegay inay gole ahaan guda-galayaan hawlahooda Qaran oo ay bilaabayaan maalinta Berri oo ay u isugu iman doonaan fadhigooda labaad.

Gebo-gabadii munaasibadda, gudoomiyihii Hore ee golaha Md Baashe Maxamed Faarax ayaa Gudoomiyaha Cusub ku wareejiyey dhammaan hantida iyo agabka goluhu leeyahay, 11 buug oo ka kooban Siyaasadaha hab-maamul, waxqabadkii 15kii Sano ee ugu danbeeyey, hab-raacyada shaqo gudasho iyo qaar ka mid ah xeerarka ugu muhiimsan ee golaha iyo qarankuba ku shaqeeyo. Waxa kale oo shir-guddoonka cusub lagu wareejiyey xeerarka qabyada ah ee golaha horyaala ee maraya wejiyada kala duwan ee ay shuruucdu marto.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On