Shir-beeleed Xukuumadda Siilaanyo Sas Ka Qaadday Oo Dib Loo Dhigay Iyo Ujeedada Ka Dambaysa (SAWIRRO)

Hargeysa  (SL.Post)  Shirkii ay dhawaan ku dhaqaaween qabsoomidiisa beesha gobolka Saaxil inay ku qabsanayaan deegaanka Baxarsaafka ee degmada Laasgeel, ayaa dib loo dhigay.

14089612_737815779689581_44167932_n

Ilo xogogaal ah ayaa shabakada Somalilandpost.net u xaqiijiyay in Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen Xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland, Guddoomiyaha guddida Diiwaangelinta, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed lagu go’aamiyay in muddo bil ah dib loo dhigo qabsoomida shirka Baxarsaafka.

14081195_737815823022910_425368018_n

Shirkana Baxarsaafka ee ay hore u iclaamiyeen Salaadiinta beesha Ciise Muuse, ayaa waxa qaadacday Xukuumadda Somaliland, taas oo u arkaysay mid lid ku ah siyaasadeeda gobolka Saaxil gaar ahaan heshiiska DP World ee Dekeda Berbera oo ay u arkaysay inay ka soo baxayaan qodobo ka hor imanaya heshiiska DP Wordl.

14080903_737815793022913_930119832_n14081195_737815823022910_425368018_n (1)

 

 

 

 

 

Somalilandpost. Hargeysa