Shil Baabuur Oo Sababay Dhimashada Laba Arday oo Ka Tirsan Jaamacada Burco iyo Dhaawaca Afar Kale

Burco(SLpost)-Laba arday oo ka tirsan jaamacada Burco ayaa xalay geeriyooday kadib markii uu la dhacay gaadhi nooca Raaxada loo yaqaano oo ka soo qaaday jaamacada Burco.

Shilkan gaadhi ayay ku dhawaacmeen afar arday oo kale halka aanu waxba ku noqon darwalkii gaadhigaas oo Taksiga ahaa waday. afartan arday ee dhaawacmay ayaa xaaladooda lagula tacaalayaa cisbitaalka guud ee Burco.

10462534_742248982571859_9074397967209762086_n

Gaadiidka Tasiga ah ee loo yaqaano Raaxada (Vitz) ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ay isa soo tarayeen dhibaatooyinka shilalka ee ay ku hayaan gudaha magaalooyinka waaweyn oo ay si xoog ah uga shaqeeyaan.