Shiinaha oo xusaya guushiisii dagaalkii Labaad

China(SLpost)-Millitariga Shiinaha ayaa samaynaya dhoole tus heer sare ah oo aad u baaxad wayn.Waxay xusayaan guushii ay ka guulaysteen Japan dagaalkii labaad ee adduunka.

150903011218_beijing_xinhua_01_512x288__nocredit

Ilaa 12,000 oo askari 200 oo diyaaradood iyo sidoo kale taangiyo iyo gantaalo ayaa la dhigi doonaa fagaaraha Tiananmen ee ku yaala magaalada Beijing.80% qalabka ayaa loo soo bandhigi doonaa shacabka markii ugu horaysay sida ay tabisay warbaahinta dawladda.

Koritaanka awoodaha millitariga Shiinaha ayaa si dhaw loola socon doonaa iyada oo bartanka lagaga jiro dareenka ka taagan gobolkaasi.Madaxwayne Xi Jinping oo sidoo kale ah taliyaha ciidammada qalabka sida ayaa ka qayb gali doona isaga oo ay ku weheliyaan in kabadan soddon saraakiil iyo madaxwayne yaal ajaaniib ah.