Shiinaha: Niqaamku Ma aha Dhar Islaam.

Mas’uul sare oo ka tirsan xisbiga shuuciyadda Shiinaha ee gobolka Xinjiang ayaa sheegay in niqaabka ama indho-shareerka uusan aheyn dharka Islaamka, balse uu yahay dhar argagixiso.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Shewket Imin ayaa hadalkaas ka yiri munaasabadda horumarinta gobolka, oo ah gobol ay ku nool yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay.

Dowladda ayaa ka mamnuucday Xinjiang dharka diimaha, halkaasi oo Islaamiyiin gooni-u-goosato ah ay ku eedeyso rabshadaha ay ku dhinteen tiro dad ah sanadihii la soo dhaafay.