Sheekh Xasan Diheeye oo Weeraray Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland

 

Boorama (SLpost)- Sheekh Xasan Axmed Diheeye oo ka mid ah Culimada Reer Boorama, ayaa Si adag u Weeraray Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Boorama.

Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo Wafti uu hoggaaminayo, ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Boorama, isla markaana ka hadlay eedayn ay Culimo Sheekhu ka mid yahay Jimcihii hore u jeediyeen Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi-Shaqaabe) oo ay ku eedeeyeen inuu Diinta caayey, inkastoo uu beeniyey arrintaas, isla markaana dalbaday in caddaynteeda Culimadu keenaan.

Hase-yeeshee, Culimada eedaynta jeediyey ee Diyeehe ka mid yahay, ayaa sheegay inaanay iyagu joogin goobta, balse loo sheegay in Guddoomiyaha gobolka Awdal oo Xaflad Boorama lagu qabtay ka qaybgalay Diinta caayey, balse Badhasaabku wuu beeniyey, Wasiir ku-xigeenka arrimaha guduhuna waxa uu ku dooday in loo baahan yahay caddayn dhammaystiran, isla marka ay ku caddaato in Guddoomiyaha Awdal Diinta caayeynta ay Dowladdu Maxkamad soo taagi doonto.

Sheekh Xasan Diheeye oo Khudbad ka jeediyey Salaaddii Jimcaha ee Maanta, ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenku u muuqdo masuul la saftay Nin ay isku Beel guud ka soo jeedaan oo uu eedayntiisa dambabasayo.