Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed Oo Caawa Ku Geeriyooday Hargeysa + Taariikh nololeedkiisa oo Kooban

Hargeysa (SLpost) – Alle ha u naxariistee, waxa Caawa Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Somaliland iyo Soomaalida oo dhan.

Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa noloshiisa intii ugu badnayn ku qaatay Fidinta Diinta, waxaana ka aflaxay Culimo badan oo Maanta caan ka ah dhulka Soomaalida, sida Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Culimo kale oo badan.

Alle ha u naxariistee, Sheekh Maxamuud Suufi, ayaa ka sakow Fidinta Diinta Islaamka, wuxuu door weyn ka soo qaatay Dhismaha Haykalka Dawladnimo ee Somaliland, isagoo soo noqday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Golaha Guurtida, xilkaasi oo uu hayey 1993-kii illaa 1994-kii, xilligaasi oo Xukunka dalka hayey Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, hal sano ka dibna waxa loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta Aw-qaafta, xilkaas oo uu hayey illaa 2010-kii.

Wixii intaa ku dambeeyay, wuxuu dib ugu laabtay Deraasaadka Diinta Islaamka, isagoo Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka marin jiray Masaajidka Ibraahim dheere ee Magaalada Hargeysa, iyadoo sidoo kalena Casharadiisa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka si joogto ah looga baahin jiray Telefiishanka Dawladda Somaliland (SLNTV) iyo Telefishannada gaarka loo leeyahay qaarkood.

Allah ha u naxariistee Mufti Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed Suufi waxa duruusta Diinta Islaamka iyo Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah ka aflaxay Culimo waaweyn oo xilligan magac ku leh bulshada Soomaalida Dhexdeeda, kuwaas oo aynu ka xusi karno Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.

Alle ha naxariistee Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ahaa Caalim loogu eerto Culuumta Diinta Islaamka, ayaa geeriyooday 16-ka bisha 4-aad ee sannadka 2023, taasi oo waafaqsan 25-ka Ramadaan 1444 Hijriga.

Alle ha u naxariisto Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna haka siiyo Qoyska, Culimada iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net