Sheekh Ibraahim Xasan oo Shaaciyey Inuu u Tartamayo Golaha Wakiillada oo cudud taageero loogu muujiyey

 

Hargesya (SLpost) – Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo ka mid ah Muwaadiniinta reer Somaliland ee u tartamaya doorashada Golaha Wakiillada ayaa maanta oo Arbaca ah shaaciyey Musharraxnimadiisa.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Huteel ku yaalla Magaalada Hargeysa ayuu Musharraxu ku shaaciyey Musharraxnimadiisa, iyadoo beeshiisuna soo bandhigtay Cududda taageerada ay la barbar taagan yihiin.

Advertisement

Munaasibadda Shaacinta Musharraxnimada Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo ay goob-joog ka ahaayeen Madax-dhaqameedka, Waxgaradka, Haweenka iyo dhallinyarada bulshada uu doorashada Golaha Wakiillada ku matalayo Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa waxa laga soo jeediyey hadallo taageerayo loogu muujinayo Musharrax Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen, iyagoo xubnaha halkaa ka hadlay ay sheegeen inay dedaal badan u galayaan sidii musharraxoodu ugu soo bixi lahaa doorashada isla-markaana ay Codkooda ugu hibayn lahaayeen.

Siyaasiga Axmed Jaambiir Suldaan oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “halgan bay u baahan tahay, Waayo? 82-kaa kursi waxay ka dhaxeeyaan Somaliland oo dhan.”

Xubin kale oo ka mid ah Waxgaradka ka hadlay Munaasibadda uu Musharraxnimadiisa ku shaaciyey Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen ayaa sheegay in sida khaladaadka Dalka ka jira lagu sixi karaa tahay in la doorto Dadka doonaya inay wax saxaan, sida Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Faro-weyne Mr. Faysal oo isaguna ka mid ah Dadka halkaa ka hadlay ayaa yidhi,  “Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen waxaan leeyahay soo dhowow.”

Xubin kale ayaa sheegay, “Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen waxaanu  u aqoonsan nahay inuu yahay Nin Diin leh, Nin Akhlaaqad leh oo wanaagsan..”

Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo ah Musharraxa shaaciyey hankiisa oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay qodobbo ka mid ah waxyaabaha u qorshaysan Mustaqbalka haddii uu ku soo baxo doorashada Golaha Wakiillada.

 “Waxa ii qorshaysan ilaalinta Qarannimada. Waxaan niyada ku hayaa in qaladaadka ii muuqda ee sharci ee ka hor imanaya Diinta ama lidka ku ah Akhlaaqda suuban inaan is hor-taago.” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Ibraahim.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax oo iyaguna  halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Musharrax Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen oo ay sheegeen inuu iska sharixi doono Xisbiga UCID oo ay sidaa ku qaateen.

Sheekh Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa inta bulshadu ku taqaanaa shaqsi si weyn uga qayb-qaata horumarinta adeegyada arrimaha bulshada, isagoo ka qayb-qaatay dhismaha jidad laga hirgeliyey xaafado Hargeysa ka mid ah.

Follow us On