Sheekh: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Shil Baabuur

 

Sheekh (SLpost)- Laba Qof ayaa ku geeriyooday, 9 kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaadhay shil-baabuur oo maanta ka dhacay deegaanka Karasharka oo dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Meydadka laba marxuum iyo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacyo shilka baabuur, ayaa loo qaaday cusbitaalka Guud ee degmada Sheekh, halka cusbitaalka Guud ee magaalada Burco lagu dabiibayo Lix ka mid ah dadka dhaawaca ah oo loo qaaday.

Gaadhiga khasaaraha Sababay oo la sheegay inuu ku dhacay deegaanka Karasharka oo u dhexeeya magaalooyinka Sheekh iyo Burco, ayaa noociisu ahaa Basaska yar-yar ee Caasiga loo yaqaano, kaas oo ay iska leedahay mid ka mid ah shirkadaha Socdaalka ee isaga goosha gobollada dalka.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalka Hoose