Sheekh Aadan-Siira oo Si Adag uga Jawaabay Hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Xasan Shahar

 

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siira), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo dhawaan eedaymo u jeediyey Sheekha oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland.

Xildhibaan Xasan Shahar oo isagu ka jawaabay dhaliilo uu Sheekh Aadam ku duray Goleyaasha Deegaanka ee dalka, ayaa sheegay in maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa ugu yabooheen Sheekha dhul bannaan oo sida uu sheegay ay kaga qayb-qaateen kharashka Qalliin caafimaad oo Sheekhu u tagay dalka Dibaddiisa.

Haddaba, Sheekh Aadan-Siira oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta, ayaa gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay dhulka uu xildhibaanku sheegay inay dowlad hoose ahaan ugu deeqeen.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Sheekh Aadan-Siira ugu jawaabay Xildhibaan Xasan Shahar