Sheekh Aadan-Siira oo ka hadlay Shaqsiyaddii Marxuum Suldaan Cumar Sul Maxamed Sul Faarax oo 40 Sanno ay saaxiib ahaayeen

Sheekh Aadan-Siira

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siira) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland waxa uu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo uu muddo xaalad Caafimaad awgeed halkaasi u joogay.

Maruum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Sheekh Aadan oo ay muddo 40 sanadood ah saaxiibo isku dhaw ahaayeen ayaa waxa uu Suldaanka Geeriyooday ku sifeeyay inuu ahaa Nabad-doon door muhiim ah ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii Qaranka JSL, kana soo jeeda saldanad facweyn oo taariikh ma guurto ah ku leh Somaliland.

Sheekhu wuxuu Suldaanka Alle uga baryey inuu u naxariisto, bahda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo, INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.