Sheekh Aadan-Siira oo baafinaya Cid qabata oo looga Ashkatoodo Xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siira), ayaa Khudbadii Jimcaha ee maanta kaga hadlay muran ka taagan dhulka laga dhisayo Madaxtooyada Cusub oo xukuumaddu ka qaadday Qoyskii iska lahaa oo muddooyinkii u dambeeyey murankeedu sii xoogaystay kaddib markii aana wax mag-dhow ah dhulkooda lagala wareegay ka helin xukuumadda.

 

Sheekh Aadan-Siira oo ka hadlay qancin-la’aanta xukuumadda Muuse Biixi ee qoyska dhulka lagala wareegay, waxa uu tusaale ugu soo qaatay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo oo uu tilmaamay inay jirtay cid ka garaabaysay haddii ay ku gefto cid wax ka tirsanaysa ay iyadu is-qaban jirtay, balse ay xukuumadda Muuse Biixi tahay mid aan isydu is-qaban isla markaana lahayd cid looga ashkatoodo.

 

Muuqaalkan Hoose ka Daawo hadalka Sheekh Aadan-Siira