Sheekh Aadam-Siira oo Abaalmarinno iyo Deeqo Waxbarasho Siiyey Arday Ka Qalin-jabisay Jaamacadda New Generation

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadam Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadam-Siira), ayaa abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey Ardayda ugu dhibcaha sareysay Jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa oo xaflad ballaadhan loo qaybta qalin-jabintooda.

Sheekh Aadam-Siira oo muunasibadda ka hadlay waxa uu madasha ka sheegay inuu sidoo kale deeq waxbarasho siinayo Wiilka iyo Gabadha ugu Qur’aan Xifdiga badan, kuwaas oo uu kafaalo qaaday waxbarashadooda heer Master-ka iyo PhD.

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Hadalka uu Sheekh Aadam-Siira ka jeediyey Madashii Qalin-jabinta Arday Jaamacadda New Generation.