Shaqaaqo ka dhacday biyo shiinaha oo dhaawac sababtay

Hargeysa(SLpost)-Halka ay ka yimaadaan biyaha magaaladda Hargeysa ee biyo shiinaha ayaa shaqaaqo ku dhex martay dad shacab ah iyo ciidan rasaas ku furay, waxa ay wararku sheegayaan in haweenay ay ku dhaawacantay rasaastaas.

5(420)

Mudranka dadkan gadoodsanaa iyo ciidanka ayaa ku dhashay kadib markii mishiin xumaaday loo xidhay qaar ka mid ah dadka deegaanka oo halkaas ka shaqaynaayay, haweenaydaas dhaawacu soo gaadhya ayaa lagu soo warmayaa in la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa.