Shaqaale Qadiyadda Somaliland loogu dhibaateeyey Muqdisho oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Hargeysa (SLpost)- Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal Intenation Aiport, waxa maanta lagu soo dhaweeyey shaqaale Caafimaad oo ka hawl-gala Cusbitaal Edna Aadan Hospital, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ay taraansit ku ahaayeen.

Drs Edna Aadan ayaa garoonka ku soo dhawaysay Shaqaalahan oo magaalada Hargeysa kaga dhoofay Baasaboorka Somaliland oo ku sharciyeysan Fiisaha Waddanka Kenya oo ay ku socdeen, iyagoo taraansit ku ahaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo loogu dhibaateeyey sababo la xidhiidha dokumentiga socdaalka ee ay siteen, sida ay sheegtay Edna Aadan Ismaaciil oo saxaafadda kula hadashay gegida diyaaradaha ee Egal International Airport.

Edna Aadan Ismaaciil waxa ay sheegtay in masuuliyiinta socdaalka Soomaaliya ku xad-gudbeen sharciga caalamiga ah ee socdaalka adduunka oo dhigaya inaan waxyeello loo geysan dadka socdaalka ah ee taransit ku maraya garoomada diyaaradaha. Waxa ay sheegtay in masuuliyiinta socdaalka Somalia dhibaato u geysteen shaqaalaha caafimaad ee Edna Hospital oo ay sheegtay in laga qaaday documentiyadii ay siteen.