Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo lagu tabobarayo Lafa-gurka iyo abla-ableynta halbeegyada dhaqaalaha Dalka

Hargeysa (SLpost)- Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa muddo saddex maalmood ah lagu tabobari doonaa lafo-guridda iyo abla-ableynta halbeegyada dhaqaalaha Dalka.

Xafiiska Xidhiidhka Barnaamijka Dib-u-habaynta Maamulka Maaliyadda Dowladda oo kaashanaya Waaxda Dhaqaalaha iyo Tirokoobka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, ayaa soo agaasimay tabobar muddo saddex maalmood ah u socon doona qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo qaadan doona casharro ku saabsan lafo-guridda iyo abla-ableynta halbeegyada dhaqaalaha guud ee Dalka.

“Tobobarkan waxa loo qabtay shaqaalaha qaybo kamid ah waaxaha Wasaaradda waxaanay ujeeddadiisu tahay in la tayeeyo xirfadaha muhiimka u ah baadhista iyo daraasaynta halbeegyada dhaqaalaha ee dalka oo ay ka mid yihiin Wax-soo-saarka guud ee Dalka, shaqo-la’aanta, heerka sixir-bararka iyo waliba siyaasadaha u dejisan ee ay tahay in lagu hago sida; siyaasadda maaliyadda, siyaasadda lacagta iyo siyaasadda isku-beddelka lacagaha, waxaana casharrada bixinaya khabiir wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeya arrimaha dhaqaalaha,” sidaas waxa lagu sheegay war kooban oo wasaaraddu ka soo saartay ujeeddada tabobarka loo furay shaqaalaha waaxaha wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Advertisement

Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Muuse Ibrahim Yuusuf oo tabobarka u furay hawl-wadeennada, ayaa kula dardaarmay saraakiisha tabobarka loo qabtay in ay ka faa’iidaystaan inta uu socdo, aqoontoodana kobciyaan si ay shaqooyinkooda ugu dabaqaan xirfadda ay baran doonaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On