Shan Caruur Ah oo Hargeysa Laga Xaday Ayaa Lagu Qabtay Laasacaanood

Laascaanood (SLpost)-Waxa lagu qabtay xalay Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood Saddex Caruur ah oo da’a doodana lagu qiyaasay ka ugu weyn inuu yahay 5 sanno jir, ka dib markii caruurtaa looga shakiyey in la soo xaday ayaa lagu wargeliyey Ciidamada Booliska ka dibna waxa gacanta ku dhigay caruurtii iyo ninkii watay oo isagu gaadhi u gaara ku sitay, markii caruurta la waydiiyey xaga ay ka yimaadeen ayey iyaga oo naxsan ka rooni ku jawaabay Hargeysa balse ma cada dhinaca ay hargeysa ka degenaayeen iyo haybtoodatoona.

Waxay la socodsiinaysaa cidii ay ka maqan yihiin caruurti inay la xidhiidhaan maamulka gobolka Sool oo iyagu hada gacanta ku haya caruurtaasi.