“Shaley Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddoomiye ahaa isagaa magacaabayay Guddida Fulinta, maantana Muuse Biixi ayaa ah, isaga ayaana magacaabaya,” – Maxamed Kaahin

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay waxa uu sheegay in Shirci ahaan cidda keliya ee awood u leh magacaabista Guddiga Fulinta iyo Guddoomiye-yaasha gobollada ee Xisbiga ay tahay keliya Guddoomiyaha Xisbiga.

Maxamed KaahinMaxamed Kaahin waxa uu sheegay in sharciga iyo Dastuurka Xisbigu ugu ogolaanayo Guddoomiye Xisbiga ku-tasrufka awoodda Xisbiga uu siiyey, waxaanu tusaale u soo qaatay oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo markii uu guddoomiyaha Xisbiga ahaa uu magacaabi jiray Guddiga Fulinta, Muuse Biixina maadaama uu guddoomiyaha yahay uu sharcigu awood u siiyey magacaabista.

“Madexweynaha Somaliland isagaa magacaaba Golaha Wasiirrada ninkii la jecel iyo ninkii la neceba distoorkaa siiyay, Madexweynayaashii ka horreeyeyna dastoorkaa siiyay, kuwa dambena distoorkaa siinaya, Gudoomiyahana Distoorkaa Siinaya, shaley Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddoomiye ahaa isagaa magacaabayay Guddida Fulinta, maantana Muuse Biixi ayaa ah, isaga ayaana magacaabaya,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo maanta ka hadlayey shir-jaraa’id oo hoggaanka Xisbigu ku qaaddaceen go’aan Shir-guddoonka Shirweynihii 3aad ee Kulmiye ku shaaciyeen liiska Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta.

Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in xubnaha Shir-guddoonkii Shirweynuhuay si cad u jabiyeen qodobbo badan oo ka mid ah qoddobbada Dastuurka Xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi, “Waxay soo saareen Liiskii Ergooyinka oo Ergo walba degmooyinka soo jeediyey oo xubnihii Ergada Shirweynaha oo Waayeelkii iyo Waxgaradka Deegannadu u soo xusheen ayaa la soo saaray. Liiska immika halkan yaalla ee ay soo saareen waxaa ku yaalla xubno fara badan oo ay iyagu beddeleen.”

SOMALILANDPOST.NET