“Shacabka Somaliland Waxaanu Ugu Bushaareynaynaa Toddobaadka Soo Socda Inuu Halkiisii ku soo Noqdo…” Baanka Dhexe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Eng. Cali Cabdillaahi Daahir, ayaa ka hadlay dedaallo uu Baanku ugu jiro fadhiisinta Qiimaha Sarrifka iyo kor u qaadista Shilinka Somaliland

Guddoomiyaha Baanka Dhexe wuxuu sheegay in waxyaabo sababay Hoos u dhaca Shilinka Somaliland ka mid yihiin Khilaafaadka siyaasiga ah ee labadii sanno ee u dambeeyey ka jiray dalka, kuwaas oo uu xusay inay saamayn yeesheen isbeddelka qiimaha shilinka.

Guddoomiye Cali Cabdillaahi Daahir oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Guddi heer Qaran ah oo uu Madaxweynuhu u saaray wax ka qabashada hoos u dhaca Qiimaha Shilinku ay dhawaan soo saari doonaan go’aamo wax lagaga qabanayo hoos u dhaca Qiimaha Shilinka Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku beeniyey in Baanku uu soo daabacayo Lacag cusub, waxaanu tilmaamay inay ka shaqaynayaan sidii kor loogu qaadi lahaa qiimaha shilinka, balse aanay ka hawlnanayn in shilin cusub suuqa la soo geliyo.

Hadalka Guddoomiyaha kaga bogo muuqaalka Hoose