Shacabka Somaliland Oo Looga Digay Duullaan Hor Leh Oo Sacabbada Loo Tumayo

Advertisement

Boorama (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Somaliland Dr Maxamuud Xasan Sacad SAAJIN, ayaa shacabka gobolka Awdal uga digay Duullaanno ka dhan qaranimada Somaliland oo ay u sacabbo-tumayaan shaqsiyaad muwaadiniin ah oo uu sheegay inay u adeegayaan cadowga Somaliland.

Wasiirka Oo maanta ka qayb-galay Xafladda Qalin-jebinta Arday dhammaysatay Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, waxa uu dhalinyarada ku boorriyey inay meel uga soo wada-jeestaan ilaalinta nabadgelyada.

Advertisement
Advertisement