Shacabka Jabuuti oo Jimcaha u dareeraya Doorasho la filayo inuu markii 5aad ku guulaysto Madaxweyne Geelle

Hargeysa (SLpost)- Shacabka Jabuuti ayaa Jimcaha Berri u dareeraya Codbixinta Doorashooyinka oo aanay ka qayb-gali doonin Xisbiyada mucaaradka oo hore u qaaddacay.

Madaxweynaha xilka sii haya Md Ismaacil Cumar Geelle, ayaa markii shanaad u tartamaya xilka madaxtinimada, waxaana la filayaa inuu mar kale guulaysto madaxweyne Geelle oo muddo 22 sanno ah majaraha u hayey talada dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

“Wax rejo ah kama qabno codbixinta, dad badan kama qayb geli doonaan, waayo waa doorasho dowladdu isku cumaamadayso,” sidaa waxa warbaahinta RFI u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle oo ka mid ah siyaasiyiin ugu fadalka cad mucaaradka dalka Jabuuti.

Xisbiga talada haya ee Dalka Jabuuti, ayaa rejo fiican ka muujiyey in shacabka dalkaasi mar kale madaxweyne Geelle u dooran doonaan hoggaaminta dalka shanta sanno ee socda.

“Madaxweyne Geelle waxa lagu qiimayn doonaa wixii uu qabtay, rejo fiican ayaanu ka qabnaa maxaa yeelay wax wanaagsan ayuu qabtay hadday tahay dhinacyada dhaqaalaha nabadgelyada iyo caafimaadka,” sidaasna waxa sheegay Daa’uud Xaamuud oo ku hadlayey afka Xisbiga talada haya ee dalka Jabuuti 

Doorshada maalinta Berri looga dareerayo dalka Jabuuti, waxa madaxweyne Geelle kula tartamaya nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Zakariya Ismaaciil Faarax oo ololaha ku galay inuu wax ka qabanayo Shaqo la’aanta.

Madaxweyne Geelle ayaa markii u horeysay talada dalkaas la wareegay sannadkii 1999-kii, waxaanu si weyn ugu guulaystay doorashadii dalkaas laga qabtay sannadkii 2005-kii. Intuu xilka hayay muddo-xileedkaas waxa uu wax-ka-beddel ku sameeyey dastuurka si uu mar saddexaad ugu tartamo xilka, isagoo ku guulaystay doorashadii 2011-kii. Waxa uu mar kale isu-taagay Doorashadii 2016-kii isagoo ku guulaystay boqolkiiba 87 codadkii la dhiibtay.

Daahir Axmed Faarax oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee mustaafuriska kaga maqan dalka Jabuuti, ayaa sharci-darro ku tilmaamay doorashadan oo uu aamisan yahay inuu madaxweyne Geelle mar kale isku cumaamadayo.

“Wax isbeddel ahi kama dhalan doono doorashada, waa mid sharci darro ah. Laguma tilmaami karo Doorasho, waa doorasho isagu (Geelle) maamulayo oo isaga lagu qabtya,” sidaa waxa warbaahinta RFI u sheegay hoggaamiyaha xisbiga MRD Daahir Axmed Faarax oo tirada dhowr jeer la xidhay ka hor intii aanu dalka dibadda uga bixin.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net