Shacabka Hargeysa oo loogu baaqay inay Kalsoonida kala Noqdaan Maayarka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada UCID iyo WADDANI, ayaa maanta shir-jaraa’id oo qay wada-jir ugu qabteen magaalada Hargeysa, waxa ay ku dhaliileen wax-qabadka dowladda Hoose ee Hargeysa oo ay ku tilmaameen mid fadhiid ah.

masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada UCID iyo Waddani oo la hadlay telefishanka HCTV, waxa ay sheegeen in maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid uu ku fashilmay maamulka iyo wax-qabadka dadweynaha magaalada Hargeysa.

Masuuliyiintani waxa ay shacabka magaalada Hargeysa ugu baaqeen inay isu diyaariyaan sidii ay u soo abaabuli lahaayeen ama u soo diyaarin lahaayeen Codsi kalsooni-kala-noqosho oo ay u gudbiyaan maxkamadaha dalka.

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE

https://www.youtube.com/watch?v=KoXpqVlgWvI