Shacabka Burco oo Dunida Islaamka la wadaagay Bannaan-baxyo laga soo horjeedo Madaxweynaha Faransiiska

 

Burco (SLpost)- Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxa maanta ka dhacay bannaan-bax salmi ah oo shacabka magaaladaasi dareenkooda ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan xad-gudubyada ka dhanka ah Nebi Muxammad (NNKHA) ee uu ku kacay Madaxweynaha Fararsiiska Emmanuel Macron.

Muddaharaadka maanta ka dhacay magaalada Burco, ayaa qayb ka ah muddaharaado kala duwan oo ka dhacay Dunida Islaamka kaas oo lagaga soo horjeedo ficillada foosha xun ee Madaxweynaha Faransiiska  uu kula kacay Nabigeena suubbaan (NNKHA), kaddib markii uu difaacay hab-dhaqannada xun ee sawirrada aflagaaddada ah lagaga sameeyo Nebi Muxammad NNKHA isagoo sheegay inaanu waddankiisu joojin doonin sawirradaas.

Ganacsatada gobolka Togdheer, ayaa ballan qaaday in ay joojin doonaan badeecadaha ka yimaadda dalka Faransiiska, iyadoo tallaabadan oo kale laga sameeyey caalamka Islaamka intiisa badan.

Bannaan-baxyo ay shacabku shucuurtooda ku muujinayaan ayaa maanta ka dhacay meelo badan oo dalalka Islaamka ah, iyagoo ku dhawaaqayey kalmado ka dhan madaxweynaha Faransiiska iyo in la xajiro badeecadaha dalkaas. Dalalka Bangladesh, Libya iyo Falastiin ayaa ka mid ah waddamada dunida ee maanta laga sameeyey bannaan-baxyada ka dhanka ah Faransiiska.

Madaxweynaha Chechnya [File: Natalia Kolesnikova/AFP]
Hoggaamiyayaasha dunida Islaamka qaarkood oo ay ku jiraan Iiraan, Sucuudiga, Jeejniya ayaa cambaareeyey dalka Faransiiska iyo Madaxweynahooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Chechnya oo ka tirsan Midowga Federaalka Ruushka, Ramzan Kadyron, ayaa madaxweynaha France ku eedeeyey in hab-dhaqankiisu ku dhiirri-gelinayaan dadka inay xag-jir noqdaan, kaddib markii uu yidhi in soo-bandhigista sawirrada lagu af-lagaadaynayo Nebi Muxammad NNKHA qayb ka tahay xorriyatul-qawlka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dalalka Islaamka ku dhiirri-geliyey inay joojiyaan badeecadaha uga dhoofa dalka Fransiiska, isagoo madaxweynaha dalkaas ku tilmaamay nin waalan oo maskaxdiisu aanay caafimaad-qabin.

Dalka Faransiiska oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay dalalka Yurub ee ay Muslimiinta ugu badani ku nool yihiin, ayaa inta badan lagu soo bandhigaa sawirro lagu aflagaaddaynayo Nebi Muxammad NNKHA iyo Diinta Islaamka, waxaanay xiisaddani sii xoogaysatay kaddib markii 16-kii bishan magaalada Paris lagu dilay Samuel Paty oo ahaa macalin maaddada Taariikhda ka dhiga Dugsi ku yaalla magaaladaas. Macalinka ayaa la sheegay inuu ardayda tusay sawir uu sheegay inuu yahay Nebi Muxammad. Dowladda Faransiiska ayaa Dilka macalinka ku xidhiidhisay Islaamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net