Saynisyahanno si Kedis ah ku Helay Dawo Lagaga Hortagi Karo Kansarka

 

Waxa jira dawooyin badan oo si kedis ah lagu ogaado faa’iidadooda, tusaale ahaan dhawaan saynisyahanno Danish ah, ayaa si kedis ah u ogaaday in talaalka lagaga hortago kaneecada uu dili karo unugyada kansarka dhaliya.

 

Cudurka Kaneecada amma duumada oo ah cudur dhiigga raaca oo ay sababto dulinka loo yaqaan Plasmodium Parasite, kuna fida qaniinyada kaneecada, ayaa sida hay’adda UNICEF caddaysay waxa uu sannad kasta dilaa malaayiin qof ah, inta badana malaariyadu waxa ay halis badan ku tahay haweenka uurka leh, marka dulinka dhaliyaa uu weeraro mandheerta (Placenta) hooyada uurka leh, taasina ay khatar geliso ilmaha caloosha ku jira.

 

Haddaba khubaro ka tirsan Jaamacada Denmark, ayaa sameeyey dedaal ay ku badhayaan dabeecadaha ka dhaxeeya burooyinka kansarka leh iyo mandheerta oo ay u soo qaateen tusaale ahaan sida malaariyadu u weerarto, una burburiso mandheerta iyo habka unugyada kansarka leh jidhka u weeraraan.

 

“Mandheertu waa xubin oo muddo dhawr bilood ah ku korta, waxaana uur-ku-jirta siisaa hawada Oxygen iyo nafaqashada. Sidoo kale burada kansarka ah (Tumors) waa ay u dhaqmaan sidaas oo kale, waxaanay si deg deg ah ugu koraan ba’ada qalaad,” ayuu yidhi Ali Salanta oo daraasadan qoray warmurtiyeedna ka soo saaray.

 

Khubaradan waxa ay isku dayeen in ay suntan malaariyada lagu dilo iyo talaalkeeda oo isku jira ku dilaan kansarka unugyada sababa, waxaanay ogaadeen in arrintaas 90% burburin karto kansarka. Isku darka suntan waxa lagu tijaabiyey jiir lagu beeray noocyada kala duwan ee kansarka bina’aadamka ku dhaca ah.

 

Khubaradan waxa ay ballanqaadeen in muddo afar sannadood ah ay ku qaadanayso in la helo dawo lagu tijaabin karo bina’aadamka oo si fiican u shaqaysa, kuna rajo weyn yihiin in ay talaalka kaneecada ka soo dhegaan dawada kansarka oo faa’iido badan leh.

 

Source:Maankaab