Saynisyahanno Sheegay In Qaab-Dhismeedka Dadku Uu Is-Beddeli Doono Si Ay Ula Qabsadaan Cimilada Iyo Duruufaha Adduunka Ee Soo Kordhay 

London(SLpost)- Saynisyahan Ingiriis ah ayaa arbacadii toddobaadkii dhowaa sheegay in qaab-dhismeedka qolfoofka aadamaha uu hadda kadib isbeddel ku dhici doono, si uu ula qabsan karo isbedellada adduunka iyo deegaanka ku imanaya sida la filayo. Tusaale ahaan casriga labaad ee barafka oo ay saynisyahannada qaar qabaan in dunidu baraf ku dambaynayso, dadka oo degi doona meerayaasha kale ee aan dhulka ahayn, buuraha barafka ah ee cidhifyada dunida oo dhalaali doona, kadibna biyahoodu inta ay ku darsamaan badaha kordhin doonana biyaha badaha, taasina keeni doonto in baduhu ay ku faafaan dhulal ay magaalooyin iyo dalal imika jiraa ka mid yihiin oo bad isu beddeli doona.

Dr. Matthew Skinner oo ka tirsan jaamacadda Kent ee dalka Ingiriiska kuna takhasusay isbedellada abuur ee qaab-dhismeedka aadamaha ayaa sheegay in isbeddel uu ku iman doono qaabdhismeedka qolfkoofa iyo guud ahaan abuurta aadamaha lagu yaqaanno, sida in gacmuhu inta hadda ee dabiiciga ah ay ka yara ballaadhnaadaan, baabacooyinku weynaadaan faraha gacmaha iyo lugaha ee imika mid midka u kala furanina ay yeeshaan cad dhexe oo laba farood oo kasta isku dhejiya si ay ugu habboonaadaan dabbaasha.

Untitled1-150x150 Untitled-150x150

Matthew Skinner oo ah khabiir caan ka ah dalka Ingiriiska ayaa Daily Mail oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xiganayo u sheegay in isbedelladan bilowgoodu waqti aan fogeyn bilaaban doono, laakiin isbedellada qaarkood gaar ahaan kuwa aadka u weyn laga yaabo in ay yimaaddaan boqollaal jiil kadib. Isaga oo sidoo kalana saadaaliyey in aadamuhu uu yeelan doono indho aad ugu dhow indhaha bisadaha si uu u yeesho awood uu gudcurka wax ku arki karo, weliba mararka qaarkood isaga oo biyaha hoostooda ku jira, kadib marka buuraha barafku ay dhalaalaan ee ay mararka qaarkood ku qasbanaadaan in ay biyaha ku dhex noolaadaan. Waxaa iyaduna suurtogal ah in jidhka ay fuusho dabaqad dufan ah oo ka sarraysa maqaarka taas oo ka hortegi doonta in biyuhu ay u gudbaan jidhka gudihiisa.

“Marka uu xilliga barafka ee labaad dunida ka dhaco, jidhka dadku waxa uu yeelan doonaa xaydh dheeraad ah, si uu awood ugu yeesho in ilayska aadka u yar ee qorraxda uu ka soo nuugo xaddiga Faytamiin D ee uu u baahan yahay, sidoo kale waxaa la arkaa in jidhka aadamuhu uu yeesho timo ka badan kana cufan inta hadda lagu yaqaanno” ayaa uu yidhi. Dr. Skinner. Isaga oo intaas ku sii daray in dadka sankoodu uu aad uga ballaadhnaan doono inta uu dabiici ahaan imika u badan yahay, taas oo u sahli doonta in uu qabsado shaqadiisa ah in hawada uu nuugayo uu diirimaad ka dhigo ka hor inta aanu gudaha jidhka u sii gudbin.

Ugu dambayntii Dr. Skinner waxa uu ka hadlay qaabka kale ee laga yaabo aadamuhu abuur ahaan in uu isu beddelo qolfoofkiisu haddii la dego meerayaasha aan dhulka ahayn, waxa aanu xusay in jidhku uu ku qasbanaan doono in uu yeesho qaab-dhismeed la qabsan kara nolosha aan cuf-is-jiidadka lahayn ee meerayaasha aan dhulka ahayn, “Taas macnaheedu waa in qofku uu yeelan doono gacmo dhaadheer iyo lugo gaagaaban, in ilkuhu gebi ahaan meesha ka bixi doonaan, suurtogalna ay tahayba in afkuna uu aad u soo ururo” ayaa uu yidhi Dr. Matthew Skinner.

Xigasho Geeska Afrika