Saylici Oo Ka Hadlay Abaaraha Dalka Ka Jira Haayadaha Qaramada Midoobayna Ka Rajeeyay Caawimo

Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa mar kale ka hadlay abaaraha gobalada galbeedka iyo gubanka Somaliland ku dhuftay, waxa uu sheegay inay rajaynayaan in gargaar uu ka soo gaadho haayadaha qaramada midoobay iyo kuwa muslimiintaba.

Saylici waxa uu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA, waxaana isaga oo abaaraha ka hadlaayay uu yidhi “Runtii dalka gaar ahaan gobalada galeedka Somaliland waxa ka dhacday abaar soo jiitantay, waxaanu bixinay baaq bishii sideedaad horaanteedii, intaanan baaqa bixina waxaanu soo samaynay sahamin oo haayadayada aafooyinka dabiiciga ah iyo haayada nala shaqeeya sida FAO oo kale, markaanu ogaanay in aan dalag bixin roobabkii horena la waayay kuwii danbena aanay wali di’in ayaanu baaq caalami ah dirnay, waxaana ka soo jaqaabay haayado islaami ah.“Dadka dhimashadoodu way yartahay laakiin xoolaha ayay dhimasho badan ku dhacday gaar ahaan dhulka gubanka ah, dadka qof qof ayaad maqlaysaa. waxaanu ku qiyaasnay ilaa dhawr iyo afartan kun oo qos inta ay saamaysay, ilaa hada waxaanu wax u qaybinay sadex kun iyo dhawr boqol oo qoys, 45oo oo qoysna waxbaanu u qaybinay oo ay bixisay Khaliifa foundation iyo imika oo aanu wadno qaybtii sadexaad.”

 

Ugu danbayntii waxa uu yidhi“Waxaanu sugaynaa hada in haayadaha cuntada iyo caafimaadka ee qaramada midoobay ay wax bilaabaan, haayadaha islaamiga ahna wax ayaanu ka sugaynaa, Allena waanu ka rajaynaynaa in alle uu raabka noo shubo, waxan la bixinayaa waa wax bil lagu noolaado bisha danbeba dadka waa taagan yihiin, markaas in haayaduhuna wax bilaabaan ayaanu rajaynaynaa.”