SAYID: Carooggii Saboolka iyo Astaantii Xaq-u-dirirka Saxaafadda Somaliland Oo Aas Qaran Loo Sameeyey

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa Aas Qaran Loogu Sameeyey Allah ha u naxariistee Guddoomiyihii Telefishanka madaxa-bannaan ee Horyaal24 Tv Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo shalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo Toddobaadkii u dambeeyey xaaladdiisa caafimaad lagu tacaalayey.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, masuliyiin ka tirsan Xisbiyada, Suxufiyiin iyo dadweyne aad u tira badan, ayaa ka qayb-galay aaska Marxuumka oo ka dhacay xabaalahaa Baqiic ee duleedka magaalada Hargeysa.

Advertisement
Advertisement