Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo Kulan loo Dhanyahay ka Yeeshay Cabudhinta Xukuumadda Siilaanyo ku hayso Warbaahinta, Bayaan-na ka soo Saaray Xukunka Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal

Hargeysa (SLpost)- Shir balaadhan oo ka dhacay hotelka Maan-soor oo ay maanta iskugu yimaadeen Hoggaanka Qaybaha kala duwan ee Saxaafada madaxabanaan ee Somaliland oo ay kaga tashanayeen Go’aanka ay ka qaadaynayaan Xukunka Sharci-darrada ah ee Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay maanta ku riday Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tafatire Xasan Xuseen Cabdilaahi ( Keef-keef) oo ay Maxkamadu ku Xukuntay Xadhig iyo Ganaax,  ayay Saxaafaddu ka soo saartay bayaankan:-

“Hadii aanu nahay Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxaanu Cod dheer ku cambaaraynaynaa  Xukunkaasi oo ahaa mid Cadaaldda ka fog, waxaanu u aragnaa mid sharci darro ah, sidoo kalena Gar-daro ah.

Xukunkan maanta lagu riday Madaxda Hubaal waxa loo Cuskaday Xeerka Ciqaabta Guud (Somali Penal Code), arrintaasi oo meel ka dhac ku ah Dastuurka Somaliland, iyo Xeerka Saxaafada Xeer No: 24/2004-tii oo si cad u qeexaya in Dacwada ka dhanka Saxaafada loo maro Xeerka Saxaafada iyo Xeerka Madaniga ah, Nidaamka dacwadani loo maray waxay muujinaysaa in sharciga la baalmaray isla markaana laga soo saaray Xukun Cadaalada ka Fog.

Saxaafada Madaxa Banaan Iyadoo Ogsoon in Mudo Laba Bilood ka hor Weerar Hubaysan lagu Qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal, isla markaasina Dhaawacyo la Gaadhsiiyey Maareeyaha Wargeyskaasi Maxamed Caloolay, weerarkaasina ilaa hadda aanay jirin tallaabo sharci ah oo laga qaaday,  fal dambiyeedkaasi oo lagu Eedeeyey Xukuumada Somaliland, Xukuumaduna ilaa hada Eedayntaasi kama ay Jawaabin.

Wargeyska Hubaal oo dhibbane u ahaa dhacdadaasi Cadaaladna ka sugayey in Kiiskooda la dhagaysto waxa Nasiib darro ah in Xayiraad, Xadhiga iyo Ganaax layskugu darro. Waxa kale oo ayaan-darro ah in arrimahani ay dhacayaan iyadoo la wada og yahay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku lug leedahay.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland maaha Mid gar-diid ah, waxa ay diyaar u tahay inay sii waddo waan-waan iyo wada hadal ay kula jirtay Xukuumada Somaliland  si xal loogu helo Dhibaatadan taagan ee soo noq noqonaysa.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland waxay Xukuumada ugu baaqaysaa in si dhakhso ah Xoriyadoodii loogu soo celiyo Labadaasi Suxufi ee xidhan, isla markaana Xayiraadda laga Qaado Wargeyska Hubaal, waxa kale oo aanu ku baaqaynaa in Dacwadaha Saxaafada loo maro nidaamka Sharciga ah, si dhakhso ahna loo joojiyo Dacwadaha Saxaafada ee loo cuskado Xeerka Ciqaabta Guud.”

 

ALLAA MAHAD LEH.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland

Hargeysa/ Somaliland

03/07/2013