Sarkaal Todobaadkan Madaxweynaha Maraykanka la kulmay oo laga helay Cudurka CoronaVirus iyo Cabsida jirta

 

Washington (SLpost)- Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dalka Brazil oo Shan maalmood ka hor la kulmay Madaxweynaha Maraykanka, ayaa laga helay caabuqa CoronaVirus oo dhaliya cudurka Covid-19, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Brazil.

Sarkaalka oo lagu magacaabo Fabio Wajngarten oo ah Xoghayaha saxaafadda ee Xafiiska Madaxweynaha Dalka Brazil, Jair Bolsonaro oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Maraykanka kulamona la yeeshay madaxweynaha iyo ku-xigeenka dalkaas.

Wajngarten ayaa madaxweyne Bolsanaro ku wehelinayey safarkaas, wuxuuna bartiisa twitter soo dhigay sawirro muujinaya isaga oo dhinaca taagan madaxweyne Donal Trump iyo madaxweynihiiisa.

Fabio Wajngarten oo wehelinayey madaxweyne Bolsonaro, ayaa sidoo kale kulan casho la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence oo ay weheliyaan inanta uu dhalay Trump ee Ivanka iyo Saygeeda Jared Kushner.

Dowladda Brazil ayaa sheegtay inay masuuliyiinta dalka Maraykanka ku wargelisay in sarkaalkan laga helay caabuqa CoronaVirus baadhitaan lagu sameeyey kaddib markii weftigii uu la socday dalkooda ku laabtay.

Warkan ayaa abuuray cabsi laga qabo inuu Trump halis u yahay inuu qaaday caabuqa cudurkan oo aan weli la ogeyn maadaama aan wax baadhitaan ah lagu samaynin madaxweynaha Maraykanka.

“Madaxweyne Trump lagama baadhin cudurka COVID-19, sababtoo ah ma jirin xidhiidh uu la sameeyey qof la xaqiijiyey inuu cudurka qabo, mana laha astaamaha cudurka ,” Sidaa waxa sheegay Afhayeenka Aqalka Cad.

Caabuqa CoronaVirus ayaa si xawli ah ugu fidaya gudaha dalka Maraykanka, iyadoo tirada dadka la xaqiijiyey in laga helay cudurka ay gaadhayso 1,319 qof oo 38 ka mid ah u dhinteen cudurka.

Madaxweyne Trump ayaa hore u shaaciyey xayiraad uu saaray isu-socodka dalalka qaaradda Yurub, iyadoo warbxinaha hay’adaha caafimaadka ee dalkaasi sheegayeen in dadka laga helay cudurkan ee gudaha dalkaas badankooda lala xidhiidhiyey qaaradda Yurub.

Madaxda Qaaradda Yurub ayaa si cadho leh u cambaareeyey go’aanka uu madaxweyne Trump kaga dhawaajiyey, waxaanay qaarkood ku tilmaameen mid siyaasadaysan oo aan wax shaqo ah ku lahayn Xiisadda Caafimaad ee ka taagan Caabuqa CoronaVirus.

Dhinaca kale, waxa hoos u dhac weyni ku yimi Suuqyada Saamiyada ee dalka Maraykanka oo xaaladdii ugu xumayd ee dhinaca dhaqaaluhu soo waajahday.

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.nt