Saraakiisha Sarsare ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka hadlay Dagaalkii shalay iyo Tallaabooyin Hor Leh oo Ciidanku Qaadayo

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Qaybta 12aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Guuto Faysal Bootaan iyo Afhayeenka Ciidanka Qaranka Cabdi Cabdilaahi (Cabdi Dheere), ayaa ka hadlay dagaal shalay ka dhacay magaalada Laascaanood.

Dagaalka oo dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyaad Huwan ah oo Isku urursaday magaalada Laascaanood, ayaa ciidanka Qaranku guulo ka gaadheen, waxaanay qab-qabteen maxaabiis iyo Gaadiid Dagaal.

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo Saraakiishan oo warbaahinta kula kala hadlay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ee magaalada Hargeysa iyo Taliska Ciidanka ee Goojacadde oo ku yaalla duuleedka Laascaanood.