Saraakiil Ka tirsan Dawladda Somalia oo loo Xidhay Musuq-maasuq la Xidhiidha Arday Deeq Waxbarasho loogu Diray Turkiga

Istanbul (SLpost)- Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada ee  Soomaaliya Maryan Qasim Caarif, ayaa sheegtay in  saddex sarkaal oo dawladdaas ka tirsan loo xidhay wax-isdaba marin ay ku maamuleen deeq waxbarshada oo arday Soomaali ah loogu diray Dalka Turkiga.

Maryan Qasim oo shalay warbaahinta u warramaysay, ayaa sheegtay in saraakiishaas loo xidhay markii la ogaaday inay deeqda waxbarashada ee Turkiga laga helay ay ku dareen Arday aan si sharci ah uga soo gudbin imtixaan laga qaaday boqolaal Arday ah oo ka kala socday gobollada Dalkaasi Soomaaliya.

137Maryan Qasim oo Raysalwasaare Shirdoon u magacaabay Wasaaradda Adeegga Bulshada Soomaaliya oo la hoos-geeyey Waxbarashada iyo Hiddaha, ayaa tibaaxday in saraakiishaas uu ka mid yahay Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda waxbarashada, kaas oo si weyn lagu eedeeyey inuu ku kacay falal wax isdaba marin iyo eex isugu jiray.

Dalka Soomaaliya oo kaalinta koowaad kaga jira warbixin ay hay’adda Transparency International ku shaacisay dalalka ugu musuqa badan caalamka, aya wakhtigan u muuqda inuu ka soo kabanayo tobanaan sanno oo abaaro iyo dagaallo sokeeye ragaadiyeen, waxaanay tallaabadani muujinayaa dedaalka loogu jiro la-dagaalanka musuq-maasuqa oo sabab u ah guul-darrooyinkii soo waajahay dawladihii isaga dambeeyey labaatankii sanno ee uu burbursanaa.

SOMALILANDPOST.NET