Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dab-demiska oo Shil-baabuur ku geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

 

Hargeysa (SLpost)- Allah haw naxariistee waxa maanta Shil baabuur ku geeriyooday laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dab-demiska ee Somaliland oo gaadhigii ay wateen kula dhacay jidka laamiga ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

Sidoo kale waxa shilkaas ku dhaawacmay dhowr qof oo la socday gaadhiga ay saarnaayeen labada sarkaal, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Geerida labada marxuum waxa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo tacsi u diray Ehelka, qaraabada, asxaabta, Ciidanka Dab-demiska iyo Bulshadda reer Somaliland ee ay ka baxeen.

War-qoraal kooban oo xambaarsan tacsida Madaxweynuhu u diray labada marxuum, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidanka dab-demiska Somaliland, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah Maxamed Cilmi Cali oo ahaa hoggaan ku xigeenkii Isgaadhsiinta ee ciidanka dab-demiska iyo Dr. Naasir Cumar Cabdi oo ahaa hoggaan ku xigeenkii caafimaadka ee ciidanka dab-deniska Somaliland oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/10/2019, duleedka magaalada Hargeysa oo uu gaadhi kula dhacay.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidanka dab-demiska, ciidamada qaranka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, intii ku dhaawacatay shilkaana uu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.