“Sannadkan waxaa inagu soo beegan Saddex Doorasho..waxaa ugu soo horaysa tii Ururada” – Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa ay dalka ka dhacayaan saddex Doorasho oo ay ugu soo horeyso doorashada tartanka ururrada siyaasadda oo uu sheegay inay qabsoomi doonto Badhtamaha sannadkan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inay doorashada madaxtooyadu qabsoomi doonto xilligii loogu talo-galay oo ku beegan bisha November ee sannadkan, taas oo uu sheegay inay ku tartami doonaan saddexda xisbi ee ka soo dhex-bixi doona tartanka ururrada siyaasadda.

Madaxweyne Biixi oo ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jabiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Dalka oo loo tabobaray Layli-sarkaal, waxa uu yidhi, “Sannadkan waxaa inagu soo beegan Saddex Doorasho saddexdaba Ciidanka qaranku isagaa qeybta ugu weyn qaadanaya, mar waxaad kala ilaalinaysaan dadkaa xamaasadu eryeyso ee marka ay wax doorayaan aad moodo inay dagaalamayaan, caalamku sidaa maaha caadifadeena badan, mar labaad Ciidamada waxaa laga doonayaa inaanu inagu soo dhex dhuuman cadowgeenu oo marka ay ololeyaashu iyo xisbiyadu socdaan uu dhulku nabad ahaado.”

Advertisement

Madaxweynaha oo ka hadlayey sida ay u kala horeynayaan doorashooyinku waxa uu yidhi, “Saddexda doorasho ee inagu soo socda waxaa ugu soo horaysa tii Ururada haddii Alle yidhiaahdo Bisha June waxay guddidu ku dhawaaqi doontaa in la diiwaan gelinayo Ururadii oo waa la tartamayaa, Saddexda Xisbi ee jiraa waxay la xuquuq noqonayaan Ururadaa bilaabmay, waa in Ururadii tartamaan Saddex Xisbi ayaa soo baxaya, 13 November waxaa dhacaysa sida waajibku yahay tii Madaxtooyada sidii laysu waajin lahaa waa hawl u taala qaranka, waxaa ku xigta Guurtidii Insha allaahu, iyaduna waxay noqon doontaa in lasoo xulo oo aynaan doorasho badan gelin taa lafteedu waa hawl badan,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On