SANAAG: Xaalad nabad-gelyo darro oo la dareemayo Deegaan ka tirsan Gobolkaas

Ceerigaabo (SLpost)- Tuulada Ceeryaan oo qiyaastii 50-km koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Ceerigaabo oo ay isku hor fadhiyaan ciidan-beeleedyo, iyada oo halkaas ay kasoo yeedhayso qaylo-dhaanta nabadgelyada oo halis ugu jirta in ay faraha ka baxdo, kadib khilaaf ku salaysan kala sheegashada degaankan oo sababay dhimashada hal nin.

ceerigaaboMadax-dhaqameedyada beelaha Sanaag oo halkaas u tegey gurmadka nabadaynta beelahan walaalaha ah ayaan iyagana war iyo wacaal laga hayn halka xaaladdu marayso maadaama isgaadhsiintu aanay halkaas ka shaqayn. Haseyeeshee qaar ka mid ah golaha degaanka Ceerigaabo oo halkaas kasoo laabtay ayaa sheegay in aanay jirin wax waan-waan nabadgelyo oo weli la isku afgartay sidoo kalena gacan-ku-dhiiglihii oo laga sugayey beeshiisu in ay keenaan aanu weli gacanta xukuumadda soo gelin taasoo xaaladda cirka kusii shareertay.

Xukuumadda ayaa halkaas u dirtay ciidanka qaranka oo wata gaadiidka Tiknikada loo yaqaanno, inkastoo dhinacooda bulshada qaarkeed ka muujinayaan dhalliilo salka ku haya in aanay halkaas uga hawlgelin si mug leh iyo weliba walaaca in gacan ku haynta gaadiidkan qalabaysan iyo mas’uuliyaada ciidankaas ay gacanta ugu jirto shakhsiyaad u badan mid ka mid ah beelahan khilaafku soo kala dhex galay, taasoo abuuri karta kalsooni darro soo waajahda waxqabadka ciidanka halkaas ku sugan.

SOMALILANDPOST.NET