Sanaag: Saddex Qof oo Harraad ugu geeriyooday iyo Xaalad biyo la’aaneed oo ka jirta

 Ceel Afweyn (SLpost)- Inta la xaqiijiyey Saddex Qof ayaa ku Geeriyooday degaanka Laas-dumeera oo hoos-taga degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.

 

Dadkan oo dhammaantood ahaa Dad Waayeel ah ayaa la xaqiijiyey inay u Geeriyoodeen Harraad iyo Gaajo ka dhalatay Xaalad adag oo ka taagan deegaannadaasi.

 

Deegaamo badan oo ka tirsan gobollada Dalka, waxa ka jirta xaalad biyo-la’aaneed oo laga deyriyey, iyadoo xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adaha gargaarku hawl-gallo biyo-dhaamis ah ka bilowday deegaanno ka tirsan gobollada Togdheer, Saraar, Saaxil iyo Sool.