SANAAG: Guddoomiyaha Gobolka oo Cisbitaalka Ku soo Booqday, Lacagna Guddoonsiiyey Dadkii ku Dhaawacmay Shaqaaqadii Ka Dhacday Ceerigaabo

 

 

Ceerigaabo(SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac Falaay ayaa maanta cisbitaalka magaalada Ceerigaabo muwaadiniintii ku dhaawacmay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Ceerigaabo islamarkaana deeq lacageed guddoonsiiyay dhaawaca. Waxa uu sidoo kale guddoomiyuhu ballanqaaday in laba ka mid ah dhaawacaas oo ka cullus kuwa kale ay si degdeg ah ugu diri doonaan caasimadda dalka ee Hargeysa.