Salma Aadan Cabdi Ciise oo noqotay inanta keliya nasiibka u yeelatay 10-ka Arday ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsigayada sare ee Somaliland

salmaHargeysa (SLpost)- Salma Aadan Cabdi Ciise ayaa ka mid noqotay  tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Somaliland oo maanta la shaaciyey natiijadiisa, iyada oo kaalinta shanaad ka gashay Ardayda ugu sarreysay dugsiyada Sare ee dalka.

Salma Aadan Cabdi Ciise ayaa  noqotay ardayada ugu saraysa Dugsiga sare ee Future oo ku yaala Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Salmi waxa ay noqotay Ardayada inanta ah ee ku jirta tobanka arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada sare  ee Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland, taas oo ay ku kasbaday nasiib, karti iyo dadaal dheeraad ah oo ay u hurtaday waxbarashada mudadii ay wax ka dhiganaysay Dugsiga Sare ee Future.