Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo laalay go’aamo ka soo baxay Shir Xubno Beesha ka tirsan ugu qabsoomay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Salaadiinta Beesha Sacad Muuse, ayaa go’aan cad oo ay ku daadifaynayso shir dhawaan koox ka tirsan Beeshu ku qabatay Hutel Maansoor, ka soo saartay kulamo maalmahanba uga socday magaalada Hargeysa, shirkaas oo ay sheegeen in uu jahawareer ku abuuray beesha Gudo iyo Dibedba.

Salaadiinta Beesha Sacad Muuse waxa ay sheegeen Guddidii shirkaasi lagaga dhawaaqay inaanay metelin Beesha isla markaana aanay qaban Karin shirka ay beesha ugu baaqeen inay danaheeda kaga tashato, waxaanay Go’aamiyeen in aanay Beesha cid aan Salaadiinta ahayni shir u qaban Karin.

Salaadiinta Sacad MuuseSuldaanka Guud ee Beesha Habarawal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo hogaaminayay Salaadiinta Sacad Muuse, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hargeysa ku sheegay in aanay aqbali doonin cid aan iyaga ahayni inay Beesha Shir ugu baaqdo, waxaanu yidhi Suldaan Xasan, “Shirkan Jaraa’id ee Aanu qabanayno waxa uu daaran yahay oo halkan fadhiya Salaadiintii Beesha Sacad Muuse ee Dhaqanka. Muddoba waxaa noo socday Shir, Shirkuna waxa uu ahaa Shir dhaqameed aanu kaga arrinsanayno Danaha beesha Sacad Muuse, waxaa nagu kalifay in aanu warbaahinta ka hadalno, madaama Shacabkayagu gudo iyo Dibadba Daadsan yahay, madaama Waxa hadal lagu gaadhsiin karayaa ay warbaahinta tahay, maadaama aanu nahay Dhaqankii iyo hormoodkii reerka, markaa shirkii aanu galnay oo aniga oo suldaankii guud ahaa Shir-guddominayey, waxaanu ka soo saarnay Qoddobo, waxaanay nala noqotay in dadkii aanu jecleyn ee aanu madax dhaqameedka u ahayn gaadhsiino. Runtii Baryahan waxa jiray Guux, Guuxuna Waxa uu ka dhex jiray Beesha, Guuxaasi waxa uu ka turjumayey inay shirweyne Qabsato beesha Sacad Muuse, guddo iyo Dibadba wuu isa soo tarayey, beelaha kalena way la socdeen in aanu arrintaasi sanadkan u yar tafaxaydanay, laakiin waxa uu la mid Yahay Shirarkii beelaha walaalahayagu ay  qabsan jireen. Shirka Beelaha Sacad muuse waxa uu waafaqsan yahay Danta Qaranka  Somaliland. Dhaqanku waxa uu iska waraysanayney hanaanka uu u dhacayo shirkaasi, maadaama Beeshu ballaadhan tahayna ma yaraanayso Qabsoomistiisu, Xiligii illaahay ka dhigo ayuu qabsoomayaa. Xilliyada Noocaas oo kale ah waxa is dhex yaaca nin walba oo aan shaqo ku lahayn iyo nin jibeysanba, markaa looma Baahna Jibbo, looma baahna Caadifad, nin waliba Shaqadiisa ayuu qabsanayaa, ciddii ay madax-dhaqameedku igmato ee saxeexoodu ku dhaco ayay wax u shaqaynayaan, laakiin nin suuqa jooga haddii uu danta beesha Duminayo iyo haddii uu dhisayaba ma shaqaynayo. Dhaqanka ayuu xilku Saaran yahay, anagu waxaanu ka shaqaynaa Danta Sacad Muuse, Danta Habar-Awal, oo waxaanu ka shaqaynaa Danta Somaliland, oo waxaanu ka shaqaynaa Danta beelaha aanu walaalaha nahay.”

 Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland oo ka hadlay shirkaasi Jaraa’id ayaa si adag uga hadlay kulan ay xubno beesha ahi dhawaan ku qabatay Huteelka Maansoor, “Shirka Maanta Ardaayada Sacad Muuse iskugu yimadeen wuxuu daaran yahay, Bishan Afraad Lixdeedii waxa magalaadan Hargeysa ka dhacay gaar ahaana Hotelka Maansoor Shir lagu sheegay in ay qabsadeen Beelaha Sacad Muuse, Shirkaasi oo Warbaahinta laga Siidayey, Shirkaasi waxa uu abuuray Jahawareer Dhaqan oo uu beesha Dhexdeeda ka dhex abuuray, Beelaha kale ee Somalilandna Wuu gaadhay, Beeshu Waa Beel balaadhan Guddo iyo Dibadba Degen markaa Jahawareerkii waxa uu nagu keenay Su’aal, Haddii aanu nahay Dhaqankii. Sidaasi darteed, Shirkaasi waxa uu ahaa Mid dhaqan, dhaqankana waxa u sareeya Madax-dhaqameedka. Waxay ahayd Shaqo anagu aanu lahayn oo cid kale qabatay, Sidaasi darteed bay Su’aashu u soo noqnoqonaysey. Kadib Xogogaal la’aan shirka Dhaqanka ka haysay, Salaadiintu Waxay u waayeen Jawaab ay bixiyaan, markii ay dadweynihii magacooda ay siteen ee soona doortay ay su’aalahaasi ka soo waydiiyeen jawaab ayey u waayeen,”ayuu yidhi Suldaanku, Isaga oo sii wata Hadalkiisa wax uu yidhi, “Maanta waxa halkan laga bixinayaa Jawaabtii Dadku doonayeen. Haddii aan taariikhda dib ugu noqdo, Bishii Afraad 2012 ayaa Gurigan aynu ku suganahay Salaadiintu Bayaan ay ka soo saareen odhanayay in Magaca beesha ee Dhaqanka aanay Kooxina ku Hadli Karin, Dadka Caadiga ahina aanay ku hadli Karin, oo ay ku hadli karaan Cidda kali ah ee loo igmaday oo ah Madaxdhaqameedka oo ay u sareeyaan Golaha Salaadiintu iyo Cuqaashoodu iyo waxgaradkooda kale.”

”Marka Walaalayaal waxa Dadweynaha Magacooda iyo Sharafkooda aanu huwanahay u sheegeynaa shirkii halkaasi ka dhacay waxa uu ahaa Shir ay soo qaban qaabiyeen oo ay qabteen Cid aan u ehel ahayn, Magac iyo Awood ay ku qabtaan Midna aan lahayn, Waxaanu halkan ka Ogeysiinaynaa in aanu dadkayagii ka saarno Jahawareerkii, Haddii ay beeshu shir u baahantahay anagaa og, haddii beesha la shirinayo anagaa og, haddii ay beeshu dhaqan ka tashanayso anagaa og, haddii beeshu dhaqan ka shirayso anagaa og ee cid kale ma oga, anagaa lanoo doortay, looma dooran Ragaasi Telefeshinada ka hadlayey ee Shirka ku baaqayey. Ragaasi waxay soo saareen Go’aano iyo Guddiyo, laakiin waxaanu halkan ka Ogeysiinaynaa in Go’aamadaasi iyo Guddiyadaasi midna aanay waxba ka jirin oo wixii ay sheegeen ay ku kali tahay. Waxa kale oo aanu halkan ka Sheegeynaa in ay jiraan in shirar kale iyana la qabanayo oo kuwaasi la mid ah, laakiin aanay waxba ka jirin, markaa waxaanu leenahay walaalayaal kuwii hore ayaa Kharash- garoobee, Idinkuna waxba ha kharash garoobina, Waxba hays daalinina, kuwii hore ayaa Isdaaliyee, Talo Nin aan lahayni wad-waddaa mana Midho dhalayso, meelna gaadhi mayso,” ayuu yidhi Suldaan xildhibaan Ismaacil Suldaan Cabdiraxmaan.

Suldaan Ismaciil Suldaan C/raxmaan oo Baaq Diraya Waxa uu yidhi, “Umadayada Waxaanu u sheegaynaa in aanu ogol nahay in beeshayadu shirweyne Qabsato, hormoodna ugu nahay, wakhtigeeda iyo madasheeda, Ajandaheeda, Gudiyadeeda iyo qaabkiisa anagu aanu soo Diyaarin doono haddii Illaahay yidhaahdo, waanu ku gudo jirnaa, shirkayagan socdayna arrintaasi ayuu ahaa, waxaanu ugu talo-galnay in Kooxaha Abuuraya khal-khalka ee dadka aanu magacooda sidano khal-khalinaya aanu ka hortagno.”

Suldaan Xiis Barre Yuusuf oo Isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi, “Waa hore ayaa Nin wax uu arkay Inamo yaryar oo Si Xun wax u doca-docaynaya, Markaasu Tixdan ku tiraabay, ‘Sidduu Geeshba Geesh nooga Beddelay, Dunidan guudkeeda; Ninkii Garanayaan ahay, Tan iyo Geellaw Haad Qoyaye; oo Guddo Baas Mid laga soo baxsho bahal ah mooyaane; Ma gilgilo Duqeytida Ninkii  Awgaa ka soo go’ay mooyane’, Arrinku sidaasuu ahaan jiray, Xeer iyo Dhaqan ayaa jiray, Wiil Wiil ubu ahaa, Wadaad Wadaad ayuu ahaa, Odey Odey ayuu ahaa, Suldaan Suldaan ayuu ahaa, Sidii uu ahaan jiray ayaa shirkan loogu qabtay in wixii sidiisii ku soo noqdaan, marka wax kale oo ceeb ahi ma jiraan, siyaasadina waa naga xaaraan, Siyaasad Shaqo kuma lihin.”

Waxa kale oo iyaguna shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Salaadiin kale oo beesha Sacad Muuse ka soo jeeda kuwaasoo beesha ugu baaqay in talada dhaqan ee ay wakiilka uga yihiin go’aankoodu iyaga ka go’a isla markaana arrimaha Dhaqan ee Beesha iyagu u idman yihiin.

SOMALILANDPOST.NET