Sahra Halgan oo ku gacan-saydhay Amar Xukuumadda Siilaanyo kaga horjoogsatay Xuska Maalinta Shuhadada SNM

“Aniga Sahra Halkan-baa layidhaahdaa raggan uu sheegayo ee waddanka u dhintayna qaarbaan gacantayda ku aasay anigoo dumar ah, ku lugta la goynayo, ayaan madaxa hayey, ku la dhayayo ayaan intaan macawis u googoyno ku dhayi jirnay”

Hargeysa (SLpost)- Fanaanadda Caanka ah ee Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan), ayaa ku gacan saydhay amar wasaaradda Arrimaha Guduhu kaga joojisay xuska 30-guurada maalinta Shuhadada SNM oo ku beegan maalinta Jimcaha, taas oo u qorsheysay inay ku qabato Hotel Hiddo-dhowr oo iyadu ay leedahay.

SNMSida ay Sahra Halgan ku soo bandhigtay shir-jaraa’id ay war-fidiyeennada xalay ugu qabatay Hotelka Hiddo-dhowr, war-qad uu ku saxeexan yahay Wasiirka ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Cilmi oo lagu socodsiiyey Xarunta Hiddo-dhowr, ayaa lagu war-geliyey inaanay xaq u lahayn qaban-qaabadda xafladda xuska maalinta shudahada isla markaana aanay hoteelkeeda ku qaban karin, balse ay Jimciyadda Mujaahidiinta ee SOOYAAL oo kali ahi xaq u leedahay qaban-qaabada xuska oo lag qorsheeyey in lagu qabto Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay lagu horjoogsaday qaban-qaabada xaflad ay iskeed isku xil-qaantay Fanaanadda Sahra Halgan.

Waraaqda xambaarsanayd amarka ee lagu socodsiiyey Hiddo-dhowr isla markaana ogeysiin la siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha oo fanaanaddu u soo bandhigtay saxaafadda, ayaa u qornayd sidan: – “Sidaad ogtahayba waxaa ku sheegayaa in xafladda xuska Shuhadada ay maamulkeeda iyo qabashadeeda ay xaq u leeyihiin Madaxda Xafiiska Jimciyadda Mujaahidiinta SOOYAAL.

Haddaba waxaan kula socodsiinayaa inay madaxda J.M. SOOYAAL xafladda Shuhadada ku qabanayaan Maansoor Hotel, sidaa daraadeed, waxaan kula socodsiinayaa in aan hotelkaaga lagu qaban karin wax xaflad ah oo ku saabsan shuhadada Ururka SNM.”

Sahra Halgan waxa ay sheegtay inay maanta Sagaalka Subaxnimo ay munaasibadda ku qabanayso Hotelkeeda, waxaanay ugu baaqday cid kasta oo danaynaysa inay ka soo qayb-gasho xuskan inay soo dhawaynayso.

Sahra Halgan ayaa Sheegtay in Qoraalka lagu socodsiiyey ee lagaga Joojinayo Xuska maalintan ay u aragto Nasiib-darro aanay u hoggaansamayn, waxaanay qof kasta oo muwaadin ah, danaynayana xuska maalinta Shuhadada SNM ugu baaqay inay ka soo qayb-gali karaan xafladda ay u qaban-qaabisay oo ay sheegtay inay maanta qabanayso.

lolSahra Haglan oo arrimahan ka hadlaysay waxa ay tidhi, “Waxaan doonayey oo nasiib u helay soddon sanno ka dib in meel aan anigu leeyahay ku xuso soddon-guuradii mujaahidiintii dalkan u soo dhimatay, waa xil aan anigu kaligay isa saaray haddaan Sahra Halgan ahay. Magacan dhayal layguma bixin, magacan (Sahra Halkan) waan la soo baxay, qori afkiibaan kala soo baxay, raggii ilaa joogay ee Mujaahidiinta ahaa, waxa waajibka isaaran ee muwaadinimo yahay, haddii la iloobay oo la xusi waayey, inaan xuso.

Waxaan ka xumahay in iyada oo qof wal oo Somaliland ahi uu dareenkiisa kaligii ku xusi karo, in warqad la ii keeno, oo layidhaahdo warqaddani waxay kaaga timi wasaaradda Arrimaha Gudaha, qaybta Amniga.”

Sahra Axmed Maxamuud oo hadalkeeda sii wadatay, waxa ay tidhi, “Cid wal oo Somaliland ah oo danaynaysay mujaahidiintii dalka u soo halgamay, way u bannaan tahay inay xusaan, ha noqoto SOOYAAL ama mujaahidiin aan SOOYAAL ahayn ha ahaato. Waxaanan umadda u sheegayaa reer Somaliland Berri 9-ka subaxnimada (Saaka) in albaabkaygu u furan yahay qof kasta oo garanaya raggii u dhintay dhibka, xannuunka iyo silica ay u soo mareen.”

Sahra Halgan waxa ay soo dhawaysay si kasta oo loo weynayn karo karaamada mujaahidiintii Dalka u soo halgamay, balse waxa ay ku doodday in qof kasta oo muwaadin ahi xaq u leeyahay, xorriyadna u haysto xuska Shuhadadii xoreynta dalka u dhimatay.

“Aniga Sahra Halkan-baa layidhaahdaa raggan uu sheegayo ee waddanka u dhintayna qaarbaan gacantayda ku aasay anigoo dumar ah, ku lugta la goynayo, ayaan madaxa hayey, ku la dhayayo ayaan intaan macawis u googoyno ku dhayi jirnay. Waxaan u sheegayaa raggan wasiirrada lagu sheegayo, anigu wasiirba uma haystee, inaanay naga siyaasadaynin maalinta shuhadada.

Maalinta Maansoor lagu qabanayona waa mid aad u qurux badan, maxaa yeelay markii hore guriga shaqaalaha ayaa lagu qaban jiray, inay derejo inoo korodho innagoo mujaahidiin ah aad bay u qurux badan tahay,” sidaas ayay tidhi Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan).

In kasta oo Sahra Halgan ugu baaqday masuuliyiinta xukuumadda in aan la siyaasadaynin xuska maalinta Shuhadada, Wasaaradda arrimaha guduhuna ay ku sababaysay go’aankeeda in Jimciyadda mujaahidiinta ee Sooyaal oo kali ahi xaq u leedahay xuska maalinta, haddana lama oga ilaa immika sababta ka dambaysa go’aanka wasaaradda Daakhiliga, haseyeeshee waxa laga war-hayaa in fanaanaddu dhowaan si rasmi ah ugu biirtay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

SOMALILANDPOST.NET