Sahamiye Foundation oo Agab Caafimaad loogu talo-galay Masaajiddada ku wareejiyey Xukuumadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Dalladda Sahamiye Foundation oo uu dhawaan aasaasay Mulkiilaha shirkadda Worldremit Ismaaciil Axmed, ayaa maanta wasaaradda caafimaadka Somaliland ku wareejisay agab caafimaad oo kala duwan.

Agabka ayaa ka kooban 1, 300,000 Gafuur-xidhka lagaga hortago faafitaanka caabuqa Coronavirus iyo 50,000 oo xabbo oo ah dareeraha lagu nadiifiyo gacmaha.

Mulkiilaha Shirkadda WorldRemit Ismaaciil Axmed oo sidan oo kale Agab Caafimaad hore ugu wareejiyey xukuumadda bishii April ee sannadkii hore, waxa uu agabkan ugu talo-galay kuna caawiyey bulshada Somaliland, xilli uu dalka si xooggan ugu faafay caabuqa Coronavirus oo sababa ama keena Cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Agabka ayaa si gaar ah loogu talo-galay in loo qaybiyo masaajiddada maadaama lagu gudo-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado, isla markaana si bilaash loogu qaybiyo dadka ku tukanaya masaajiddada Salaadda Taraawiixda ee xiligan Ramadaan.

Madasha Shirkadda Sahamiye ku wareejiyey Agabka waxa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo isaguna ku wareejiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo maamul ahaan ay wasaaraddiisa hoos-yimaaddaan Masaajiddada dalku.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Daladda Sahamiye Foundation oo uu Aasaasay Ismaaciil Axmed, dhawaanna lagu daah-furay magaalada Hargeysa, ayaa Somaliland ka caawin doonta dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ku gedaaman horumarka Somaliland, waxaanay deeqdani noqonaysaa wax-qabadkii u horreeyey ee inta laga ogyahay ay Dalladda Sahamiye ku tallaabsatay tan iyo markii aasaaskeeda lagu dhawaaqay 7-dii bishan April 2021-ka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net