“Sagaal Sanno ayaanu dhufays ugu soo jirnay inaanu soo gaadhno Lixda Bilood ee loo tartamayo Xusbinimada” – Cabdilaahi Darawal

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Horseed Cabdilaahi Iimaan Xuseen (Darawal), ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeedka salka ku haya sharciga furista ururrada siyaasadda ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo Xukuumadda.

Cabdilaahi Iimaan Darawal, waxa uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyey inay iska indho-tirayaan go’aanka madaxweynuhu ku fasaxay furista ururrada siyaasadda oo uu tilmaamay inay iyagu hore u oggolaadeen.

Waxa uu guddoomiyuhu ku dooday in isaga iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay muddo toban sanno ku dhow u soo samreen dhammaadka muddo-xileedka Xisbiyada oo ku beegan bisha December ee sannadkan, taas oo lix bilood ka dambaysa wakhtiga loo muddeeyey furista ururrada siyaasadda.

Siyaasi Cabdilaahi Darawal oo u warramay telefishanka gaarka loo loo yahay ee Horyaal24 Tv, waxa kale oo uu ka hadlay mudaharaadyada ay ku baaqeen xisbiyada Mucaaradka, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inaanay fasixin bannaan-baxyadaas isla markaana ay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo duullaan ku ah ammaanka dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net